|
|||||
WAJAALE NEWS
Kenya Oo Sheegtay In Aanay Aqbalay Go,aanka Kasoo Baxa Maxkamada Icj Ee Kiiska Bada!
October 8, 2021 - Written by Editor:NIAROBI(W,N)-Dowladda Kenya ayaa maanta oo jimce ah shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda adduunka (ICJ), ay ka gaarayso kiiska badda ee Soomaaliya. Xoghayaha arrimaha dibbada Kenya, Macharia Kamau, oo suxufiyiinta kula hadlayay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in Kenya aysan u hoggaansami doonin natiijooyinka iyo bayaannada maxkamadda kasoo baxa. Dowladda Kenya waxay ku dooddaysaa in maxkamaddu aysan lahayn awood ay ku go’aamiso arrinta kiiska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. “Kenya laguma qaadi doono dacwad caalami ah oggolaansho la’aan,” ayuu yiri Macharia Kamau, oo sheegay in Kenya mustaqbalka ka fakarayso ka baxitaanka ICJ. Go’aanka Kenya ku dhawaaqay, ayaa kusoo aadaya, iyadoo ICJ ay isku diyaarineyso inay shaaciso xukunka kiiska badda.
Related posts:Somaaliland Waxaa ka Jirta Dawlad Wadaag ah Oo Mudo kordhinta Dani Ugu Wada Jirto Qormada 2 Aad . Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Gudoomiyay Kulan Lagaga Arinsanayay Suuqa Gobonimo Ee Magaalada Harga... Murashaxa Madaxweynaha Ee XISBIGA WADDANI oo Kulan Ballaadhan La Qaatey Qaar Ka Mid ah Ardeyda Jaam... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|