Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga & Barakacayaasha Iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Oo Gaadhay Magaalada Wajaale Iyo Ujeedada Safarkooda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga & Barakacayaasha Iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Oo Gaadhay Magaalada Wajaale Iyo Ujeedada Safarkooda!
October 5, 2021 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo Uu Weheliyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland GEN Dayib Cismaan Caalin Madaxa haayada Unchr Iyo masuuliyiin kale ayaa maanta kormeer shaqo  ku tagay magaalo xuduudeedka tog wajaale ee gobolka gabiley.

Ujeedada kormeerka ay masuuliyiintani ku tageen magaalada wajaale ee uxuduudka udhexeeya Somaliland iyo itoobiya ayaa ujeedadiisu ahaa sidii ay ukormeeri lahaayeen ciidanka ilaalada xuduudka iyo soo indho indhaynta xaaladaha dadka iskaga gudbaya Somaliland iyo itoobiya.

Dhanka kale masuuliyiinta ka socday xuukuumada ayaa kulan laqaatay maamulka degmada tog wajaale iyagoo siwada jir ah faah faahin uga bixiyay ujeedada waftigan ay uyimaadeen wajaale iyo waxybaaha ay ka wada hadleen maamulka degmada.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS