“Farogalinta Suuqa Diyaaradaha Ee Sababay Inay Fly-Dubai Joojiso Duulimaadyada Somaliland’ Waxa Uu Niyad Jabinayaa Maalgashadayaasha..” Xil.Cabdikariim. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Farogalinta Suuqa Diyaaradaha Ee Sababay Inay Fly-Dubai Joojiso Duulimaadyada Somaliland’ Waxa Uu Niyad Jabinayaa Maalgashadayaasha..” Xil.Cabdikariim.
October 24, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Cabdikariim Maxamed oo katirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay arinta  fly dubai ku joojisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland isagoo sheegay faro galinta lagu sameeyay tartanka xorta ah ee ganacsiga uu dhaawacayo maalgashiga lagu samaysan lahaa Somaliland saamayna ay ku yeelanayso muwaadiniin Somaliland ee usafra caalamka.

Xildhibaan cabdikariim ayaa qoraal uu kaga hadlayo arintan ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxun udhignaa sidan;

Diyaaradda Fly-dubai ee joojisay Duulimaadyada Somaliland waxay saamayn Dhaqaale iyo mid shaqo ku yeelanasa Muwaadiniinta Somaliland.

Tartanka xorta ah ee suuqa Ganacsiga Somaliland ee uu damaanad qaaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu faa’iido u leeyahay Muwaadiniinta, waxana lagu tartamayaa adeeg wanaag iyo qiimo jaban.

Farogalinta suuqa Diyaaradaha ee sababay inay Fly-Dubai joojiso Duulimaadyada Somaliland waxa uu niyad jabinayaa Maalgashadayaasha danaynaya Somaliland.

Waxaan cambaaraynayaa talaabo kasta oo dhaawacasa tartanka ganacsiga xorta ah ee Somaliland.”

W/Q: Xil Abdikarim Mohamed.

 

 

 

COMMENTS
LINKS