“Diyaar Uma Nihin Aniga Iyo Beeshayduba, In Aanu Shan Sano Oo Danbe, Dhisno Muuse Biixi Iyo Xisbiga Kulmiye” Boqor Buurmadow. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Diyaar Uma Nihin Aniga Iyo Beeshayduba, In Aanu Shan Sano Oo Danbe, Dhisno Muuse Biixi Iyo Xisbiga Kulmiye” Boqor Buurmadow.
October 13, 2021 - Written by Editor:

DUBAI(W,N)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo Kamid ah madaxdhaqameedka Somaliland gaar ahaan Beesha Bariga burco ayaa ka hadlay kulan habeenkii xalay magaalada Hargaysa uu wasiirka arimaha Gudaha maxamed kaahin kula Yeeshay beeshiisa oo uu usheegay in laga wareejinayo xisbiga kulmiye.

Boqor buurmadow ayaa isagu uhoray ka hadlay kulan iyo Damaca Maxamed kaahin oo uu sheegay in uu soo dhawaynayo

Sidoo kale boqor buurmadow ayaa ka hadlay tartan xisbiga kulmiye ah oo udhexeeya wasiirka arimaha gudaha maxamed kaahin oo hada gudoomiye kuxigeedka koowaad ee xisbiga iyo wasirka caafimaadka xasan gaadhi oo la sheegay isna in uu doonaya in uu noqda gudoomiyaha xisbiga isagoo damaca xasan gaafadhi ku tilmaamay mid aan suurto gal ahayn ismarkaana aan haboonayn in uu la tartamo maxamed kaahin oo uu sheegay in uu isagu xag uleeyahay gudoominimada xisbiga ,

Boqor buurmadow ayaa sheegay inbeesha habar jeclo ay khasaare utahay in mar danbe dhisaan muuse biixi iyo xisbiga kulmiye xataa hadii lagu wareejiyo gudoomiyaha xisbiga beeshiisa,Isagoo dhanka kale soo dhaweeyay siyaasiyiin beesha habar jeclo ah oo la sheegay in ay ka baxayaan xisbiga kulmiye

Dhanka kale boqor buurmadow ayaa wax laga waydiiyay kulan uu emaraadka kula qaatay gudoomiyaha xisbiga wadani oo ay wada booqdeen madaxwaynihii hore ee Somaliland axmed siilaanyo iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

https://youtu.be/7W_Ob-D-LQ4

COMMENTS
LINKS