Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Kulan Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Kulan Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley!
October 3, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Badhasaabka Gobolka Gabiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Ayaa maalinta bari ah Kulan  deg deg Ah Iskugu yeedhay xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Gabiley kaasi oo 8;00AM  ka dhici doona xarunta xafiiska Badhasaabka gobolka Gabiley, kaasi oo yimid kadib markii uu soo ifbaxay  khilaaf udhexeeyey golaha deegaanka gabiley, ismarkaana ay xildhibaano maanta warbaahinta kaga hadleen khilaaf udhexeeya iyaga iyo maayarka magaalada gabiley,

Kulan uu badhasaabka gobolka gabiley iskugu yeedhay xildhibaanada golaha deegaanka oo dhamaystiran islamarkaana uu isku soo hor fadhiisanayo maayarka iyo xildhibaanada golaha ayaa la filayaa in lagaga wado hadlo khilaafka golaha iyo sidii xal loogu heli lahaa muran udhexeeya qaarkamid ah xildhibaanada golaha iyo maayarka gabiley kaasi oo salka ku haya miisaaniyadii 2021 oo ay xildhibaanada cusubi ku doodayaan  xisaab xidhkeeda taasi oo mudadii ay golaha cusubi fadhiyeen oo hada  maraysa sedex bilood oo kaliya halka miisaaniyada ay kusoo shaqeeyeen golihii ka horeeyey oo uu maayarka hada golaha hogaamiyaan kamid yahay.

Dhanka kale maayarka gabiley Iyo qaarkamid ah xildhibaanada golaha Ayaa ku doodaya in waxa ay tahay xaqiiqada miisaniyadu iyo sida wax loogu qabtay balse xubnaha xildhibaanada diidan ay muran iyo diidmo ka hor keeneen taasi oo kalfadhigii golaha ee loogu talo galay in lagu diyaariyo miisaaniyada 2022 ay hadhaysay muran in xubnaha xildhibaanada ee mucaaridka ahi diidaan in golaha wax shaqo ahi ka socoto mudo  afar cisho ah ay is hor fadhiyeen halka taasi badalkeeda maayarka iyo xubnaha kale ay ku doodeen maadama aynu is fahmi waynay hayna soo dhex gasho wasaarada arimaha gudaha oo iyadu leh kor joogida golayaasha deegaanka, balse ay xildhibaanadani diideen ka door bideen in ay warbaahinta eedo iyo dhaleecayn usoo mariyaan maayarka taasi oo ka baxsan wada shaqaynta golaha iyo ka war sugida wasarada arimaha gudaha,

Kulanka uu maalinta bari ah layskugu keenayo xildhibaanada golaha deegaanka ismarkaana uu mudeeyay badhasaabka gobolka oo isagu wakiil ka ah xukuumada dhexe ayaa lafilayaa in ay labada dhinac laysa soo hor fadhiisiyo dhinac kastaba uu u dhagayso doodo,

Dhanka kale warar aanu ka helayo magaalada gabiley ayaa sheegaya in xildhibaanada mucaaridka ee maanta warbaahinta ka hadlay lagu wado in aanay kazoo xaadirin kulanka uu iskugu yeedhay badhasaabku iyadoo lala xidhiidhinayo in aanay ku kalsoonayn badhasaabka, wallow aan xog rasmi ah Laga Haynin sobobta ay udiidayaan yeedhmada badhasaabka gobolka oo hadii ay taasi dhacdo laga yaabo in ay sii adkayso xal uhelida khilaafka golaha degaana gabiley oo bulshadu siyaabo kala duwan uhadalhayso.

 

 

 

COMMENTS
LINKS