|
|||||
WAJAALE NEWS
Abiy Ahmed; Somaliland Qadiyadeeda Ma Waxa Uu Siistay Xulafeysiga Hogaamiyaha Somalia Ee Wakhtigiisu Dhamaaday?
October 8, 2021 - Written by Editor:Jamhuuriyada Somaliland ayaa ah dalka kaliya ee gobolka Geeska Africa lagu majeerto hanaan iyo nidaam Dimuqaradiyadeed oo hanaqaad ah marka loo eego dawladaha Gobolka iyo kuwo badan oo Africa iyo caalamkaba ah. Qadiyada madaxbabaanida Jamhuuriyada Somaliland waxa ay Ku fadhidaa nidaam sharci iyo qanuun , waxaana uu hore u Ahaa dalkii xornimadiisa ka qaatay mahmiyadii ingiriiska ee la Odhan jiray ( Somaliland British protectorate ) 26 June 1960 . Walow umad waliba xaq u leedahay aayaheega in ay ka tashato Oo South Sudan ba qadiyadeedu ka daciifsanayd ta Jamhuuriyada Somaliland haddana qadiyada Jamhuuriyada Somaliland way ku culustay oo waxa ay waafaqsan tahay axdiga Qaramada Africa ee dhigaya in dalwalba xuduudihiisu yihiin Kuwii isticmaarku ka tagey. Waxaa jira kaabeyaal sharci oo quweynaya qadiyada Jamhuuriyada Somaliland oo ay ka mid xasuuq wadareedyadii Iyo duqeymihii dadka jamhuuriyada Somaliland loogu geystay Aragtidooda iyo waxa ay ka qabaan taliskii military ee Somalia Ka talin jiray. Waxaa sadexaad oo kabaya aftidii dastuurkii Somalia loo Qaadey 1961 kii dadka Somaliland waa ay diideen 70% iyaga oo u arkayey in midnimadii lagu hungoobay , walow lagu muquuniyey aragtida inta badan ee ka codeysay koonfur , Waxaana markhaati ma doon ah in ay ahaayeen laba dal oo Iskood Isugu biiray oo aduunkuna wada og yahay. Somaliland soddon sanadood waxa ay ahayd dal iyo dawlad Madax banaan , walow lagu khiyaameeyey wadahadalo Aduunku soo dhoob-dhoobey oo la qabtay sanadkii 2012 oo Somaliland iyo Somalia lagu wada hadashiiyey natiijadii ka soo baxdayna ay noqotay in sharcinamadii dawladii Jamhuuriyada Somalia ( Somali Republic ) ee lagu midoobay 1 July 1960kii in dhinac qudha caalamku siiyey oo ah koonfur. 11 Feb 2020 ayuu raisal wasaaraha Ethiopia oo u muuqday hogaamiye aragti fog ka leh mustaqbalka Ethiopia iyo ka Geeska Africa ba uu wadahadal isugu geeyey labada madaxwayne ee jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federaalka soomaaliya , kulankaasi oo waxa ka soo baxay ay noqotay in Farmaajo raaligalin ka bixiyo burburkii , xasuuqii iyo dhibaatadii calankii iyo cududii dawladii Somalia loogu geystay dadka Somaliland. Kulan labaad ayaa lagu qabtay dalka Djibouti oo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka soomaaliya lagu wada hadashiinayey kaasi oo beesha caalamku goob joog ka ahayd walow aanay wax natiijo ahi ka soo bixin hadana waxa uu ahaa dedaaladii madaxda Gobolka Geeska Africa ay sameeyeen. Haddaba waxa isweydiin leh sababta Ethiopia iyo Maamulkeegu qadiyada iyo xidhiidhkii jamhuuriyada Somaliland iyo Ethiopia ka dhexeeyey soddonka sanadood oo deris wanaaga , isku-socodka , la dagaalanka argagixisada iyo nabadgelyada gobolka ,ganacsiga iyo walaalnimada ku dhisnaa ay ku iloobeen in Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo la xulafo ah Raisal wasaaraha Ethiopia ay tiisa u horumariyaan. Isku soo wada xoori dawladaha Gobolka Geeska Africa, kuwa Africa, kuwa Carabta , kuwa reer galbeedka , kuwa reer bariga iyo guud ahaan beesha caalamku waa ay og yihiin kana dharagsan yihiin jamhuuriya Somaliland waxii u qabsoomay soddonka sanadood ee madax banaanideeda haysatay iyo waliba kaalinta muhiimka ay ee kaga jirto horumarka , nabadgalyada iyo wax wada qabsiga Gobolka, ka bada cas iyo guud ahaan caalamka. QALINKII; Mohamed Abdi Jama Dhimbiil.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|