|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay In Ay Abaabulayso Weerar Ka Dhan Ah Sharafta Qoyska Axmed Siilaanyo…!
September 26, 2021 - Written by Editor:Burco(W,N)-Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la Sheegay In Ay ku hawlan tahay qorshe uu rabo inuu kaga Hadliyo shaqsiyaad kasoo jeeda beesha Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, Xubnaha Laga hadlinaayo ayaa kasoo jeeda Beesha Aadan-Madoobe, kuwaasoo uu rabo Md. Muuse Biixi inay eedaymo Warbaahinta u mariyaan xubno ka tirsan qoyska Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, iyaga Oo la xidhiidhinaya inay sharaf dil iyo meel ka dhac ku hayaan Kaaraamadiisa, shaqsiyaadka kamid ah qoyskiisa gaar ahaan Marwadiisa iyo Wiilka uu Sodogga u yahay. Warar iyo Xogo ay heshay shabakada Wararka ee Yoolnew.com, kuwasoo u dhuundaloola qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxa ay tibaaxeen in qorshaha arinkaasi loo xil saaray xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi, kana soo jeeda Bariga Burco, iyo sidoo kale ninka ganacsadaha ah oo lagu magacaabo Cumaani. Waxa kaloo wararku intaa ku dareen in fulinta hawshan ka dhici doonto Magaalada Burco toddobaadkan. Xubnahan weji-ku-macaashka ah ayaa la xafidsiiyey inay ka hadlaan nolol wadaaga qoyska reer Siilaanyo, iyagoo ka dhigaya Marwada Madaxweynihii hore Marwo Aamina-weris iyo wiilka Axmed Siilaanyo Sodoga u yahay, dad sharaf dil iyo meel ka dhac ku haya Md. Axmed Siilaanyo, halka iyagu ka yihiin qaar u damqanaya Axmed Siilaanyo. Waxase isweydiintu goormaa taariikhda Marwo noqotay cadawga Ninkeeda, nin banaanka joogeyna nasteex u noqday? Xigasho; Shabakada Yoolnews.com Related posts:DAAWO;-Wasiir Kuxigeenkii Qorshaynta Ee Xilka Laga Qaaday Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Qaadistiisa. Maxkamadda Gobolka Hargaysa Oo Booliska Ku Amartay Inay Oodda Ka Qaadaan Xubnaha Fanaaniinta Xidigah... “Coldoon In La Xidhaa Isaga Ayay Uwanaagsan Tahay, Waayo Qofka Waalidka Ah Ee Uu Ilmihiisa Dhaleecey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|