“Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Waxaan Ugu Baaqay In Uu Umadda Ka RaaliGaliyo Hadalkii Milgaha Ka Aradnaa Ee Kasoo Yeedhay”Afhayeen Cabdilaahi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Waxaan Ugu Baaqay In Uu Umadda Ka RaaliGaliyo Hadalkii Milgaha Ka Aradnaa Ee Kasoo Yeedhay”Afhayeen Cabdilaahi.
September 11, 2021 - Written by Editor:

“Ibraahim Axmed Raabi Waxaan Leeyahay Adiga Iyo Xubnaha  Kale Ee Xisbiga Kulmiye, Waxay Ahayd In Laydun Kula  Xisaabto Sobobihii Keenay Guuldaradii Xisbiga,Afhayeen cabdilaahi

“Xisbiga Wadani Oo kamid ah  Sedexda Xisbi  Qaran ee Dalka Miyay istaahil Tahay, In Musharax Madaxwaynenimo In Lagu Sheego In Aanu  mabda,a  Somaliland Aaminsanayn, Aad Ayaan Uga Xumahay”Cabdilaahi.

HARGAYSA(W,N)-Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibaraahim Xaaji xasanoo kamid ah xisbi xaakimka Kulmiye ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalo deel qaaf ku ah qaranimada Somaliland oo maalintii shalay Ahayd kazoo yeedhay xoghayaha Guud ee xisbiga kulmiye Ibraahim Aadan Raabi oo isagu xisbiga qaran ee wadani ku Eedeeyay in aanay qarannimada Somaliland aamin sanayn islamarkaana uu kazoo horjeedo Somaliland.

Afhayeen Cabdilaahi ayaa hadalka xoghayaha xisbiga kulmiye ku tilmaamay mid milgaha Somaliland lafjab ku ah in uu xisbiga qaran oo taageerada shacabka haysta 42% uu ku eedeeyo arimo noocaasi ah’

Sidoo kale Afhayeen cabdilaahi ayaa xoghayaha xisbiga kulmiye ugu baaqay in uu hadalkaasi raali galin kabixiyay kana Astaafurulaysto oo uu dib isku saxo.

Dhanka kale Afhayeen Cabdilaahi ayaa nasiib daro ku tilmaamay in dalkii halganka qadhaadh loosoo maray uu masuul xisbiga hadalo noocaasi ku hadlo kuwaasi oo ka  farxinaya cadowga Somaliland.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS