Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Ku Eedeeyay In Ay Ku Fashilantay Sugida Abniga Gobolka Sool, Wasiir Kaahina Ugu Baaqay In Uu Iscasilo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Ku Eedeeyay In Ay Ku Fashilantay Sugida Abniga Gobolka Sool, Wasiir Kaahina Ugu Baaqay In Uu Iscasilo!
September 28, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga Mucaaridka ee wadani maxamed faarax ayaa xukuumada Madaxwayne biixi ku eedeeyay in aanay marnaba iska xil saarin Amaanka gobolka sool iyo waxka qabashada dadka lagu laayo Aanay jirin cid ay xukuumadu usoo qabatay.

Sidoo kale xoghayaha xisbiga wadani ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in qaybo kamid ah gobolka sool ay socdaal ku yimaadaan wasiiro katirsan dawlada fadaraalka ah ee somaliya xukuumada Somaliland aanay mar qudha ka hadal.

Dhanka kale xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga wadani ayaa wasiirka arimaha gudaha ku eedeeyay in uu ku fashilmay shaqadii qaranka isagoo ugu baaqay in uu iska casilo xilka maadama uu ku fashilmay in uu guto xilkii wasaarada arimaha gudaha.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS