Xisbiga Wadani Oo Shaaciyay Wakhtiga La Qabanayo Shir waynaha Xisbiga Iyo Goobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Wadani Oo Shaaciyay Wakhtiga La Qabanayo Shir waynaha Xisbiga Iyo Goobta!
September 1, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ku dhawaaqay in uu qabsanayo shirweynihii Xisbigaasi dabayaaqada bisha soo socota ee October.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen ayaa sheegay in shirkoodu qabsoomo dooni 30 illaa 31-ka bisha tobnaad ee soo socda, kaas oo ka dhici doona Magaalada Hargeysa.

Shirweynahan Waddani oo ah kii labaad ee yy qabsado tan iyo markii la aasaasay 9 sanno ka hor, ayaa la filayaa in lagu doorto hoggaanka cusub ee Xisbiga Waddani, hoggaamin doona.

Xubnaha Hoggaanka ee la filayo in lagu doorto Shirweynahan, waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani,Ku-ixigeennada iyo Xoghayaha guud.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS