|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Jsl Oo Hadalkiisii Uhoreeyay Eedo Culus Ugu Jeediyay Warbaahinta!
September 6, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland ee dhawaan uu madaxwayne Bixi umagacaabay xilka Wasiirka diinta Iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Sheekh Xuseen (Albaani) ayaa hadalkii ugu horeeyey ee uu fagaare ka jeediyay intii xilka loo magaacabay kadib wuxuu eedo ujeediyay warbaahinta isagoo sheegay in aanay banaanayn in la caayo madaxda. “Baryahan danbe warbaahintu waxay caadaysteen in ay dadka xilka haya cayda u miisaan, mid xaq loogu leeyahay iyo mid aan loogu lahaynba, dhaqankaasi dhaqan aynu lahaan jirnay oo aynu ab iyo isir u lahayn horta maaha, dhaqan diineedna maaha” ayuu yidhi wasiirku. Wasiirka ayaa saxafiyiinta uga digay in ay ka hor yimaadaan, madaxda, aflagaadeeyaan ama wax ka sheegaan, isagoo tilmaamay in arrinka ay ku mutaysan karaan ciqaab aakhiro. HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN; Related posts:Daawo:Deeqdii Ugu Balaadhnayd ee Taakulaynta Abaaraha Gobolada Galbeedka Oo La gaadhsiiyay Deegaano ... Xukuumadda Jsl Oo Xisbiyada Mucaaridka Ah Ugu Baaqday Inay La Shaqeeyaan Komishanka Lagu Muransan Ya... DAAWO ; Wareysi Dhamaystiran oo Lala Yeeshay Wasiir Maareeye Kagana Hadlay, Damu-jadiid Arimo Ku Aa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|