Wasiir Kuxigeenka Cusub Ee Wasaarada Waxbarashada Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiir Kuxigeenkii Hore Ee Wasaarada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Kuxigeenka Cusub Ee Wasaarada Waxbarashada Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiir Kuxigeenkii Hore Ee Wasaarada.
September 11, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka wasaaradawaxbarashada iyo tacliinta sare ee jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta xilkii ukala wareejiyay wasiir kuxigeenka cusub ee wasaarada waxbarashada cabdkxakiim bushtaale iyo wasiir kuxigeenkii hore ee wasaarada waxbarashada.

Sidoo kale munaasibada xil wareejinta labadan masuul ayaa waxaa kazoo qaybgalay masuuliyiin iyo dadwayne tiro badan

Waxaana munaasibada xil wareejinta ka hadlay wasiirka wasaarada waxbarashada,agaasimaha guud ee wasaarada.

Dhanka kale wasiir kuxigeenka cusub ee wasaarada waxbarashada cabdixakiim siciid bustaale ayaa ka hadlay muhiimada ay wasaarada waxbarashadu uleedahay qaranka isagoo balan qaaday in uu ku shaqayn doono daacadnimo iyo wada shaqayn fiican oo uu la yeelan doono masuuliyiinta wasaarada, shaqaalaha iyo goobaha waxbarashda ee dalka islamarkaana uu fulin doono barnaamij siyaasadeedkii xisbiga kulmiye ee ahmiyada waxbarashada iyo wada shaqaynta haayadaha la shaqeeya wasaarada waxbarashada,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS