“Ugu Dambaystii 11 Sanadood Ka Dib Ayaa Xilkii Laga Qaaday Sh. Khaliil, Muddadaasi Dheer Kooxdiisa Adag Ayaa Loo Mari La’aa, Oo Kursiga Ku Ilaashanaysay” Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ugu Dambaystii 11 Sanadood Ka Dib Ayaa Xilkii Laga Qaaday Sh. Khaliil, Muddadaasi Dheer Kooxdiisa Adag Ayaa Loo Mari La’aa, Oo Kursiga Ku Ilaashanaysay” Siyaasi Cali Guray.
September 2, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo Kamid ah siyaasiyiinta reer somailand ee badi ka faalooda Arimaha siyaasada ee Somaliland iyo geeskaba ayaa ka hadlay Xilka qaadista madaxwayne biixi  ku sameeyay wasiirkii Hore ee Diinta iyo awqaafta Sheekh khaliil oo mudo 11sano ahaa wasiirka diinta iyo awqaafta isagoo sheegay in mudadaa ay Kursiga ku ilaashanayeen kooxdiisa loona mari waayay isna uu Ahaa Masuul Qunyar Socod ah.

Siyaasi cali Guary ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu kubaahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Enough is enough. Ugu dambaystii 11 sanadood ka dib ayaa xilkii laga qaaday Sh. Khaliil. Muddadaasi dheer kooxdiisa adag ayaa loo mari la’aa oo kursiga ku ilaashanaysay, isaguna runtii nin macquul ah buu ahaa. Wasiirka lagu bedelay sida la iisheegay waxay isku ardaa yihiin Cabimaalik Coldoon oo hadda xabsiga ku jira. Dhinaca aragtidiisa diiniga ahina sida la leeyahay way ka duwan tahay ta kooxda Khaliil uu ka tirsanaa haba jirto in ay isku Wahaabiyiin yihiin oo aanay wax badan ku kala duwanayn xaga Dugsi Fikradeedka (School of thought) eh. Hadana waa laba kooxood oo aan midna mid bixinin tartanna ka dhexeeyo.

Markii Masar ay Akhwaaanku doorashada ku adkaadeen ee Maxamed Mursi uu Madaxwaynaha noqday, sanad ka dib way kala leexdeen iyaga iyo kooxdii kale ee Islamiga ahayd ee Salafiyiintu. Afgembigii Akhwaankana Salafiyiintu raali bay ka ahaayeen hadii aanay qaybba ka ahayn. Xagga Khaliijka waa Pro-Doha iyo Pro-Riyaad. Waa sida shaarac Hargeysa Taala eh.

Hadii ay sidaa tahay marka aan sadarada dhexdooda akhriyay Wasiirka cusub ee Wasaaraddu waa dhagax keliya oo Madaxwayne Biixi uu doonayo in uu ku wada dilo laba shimirood.

 

COMMENTS
LINKS