Siyaasi Cali Guray Oo Isbarbar Dhig Ku Sameeyay Codadkii Ay Kala Heleen Xisbiyada Wadani Iyo Kulmiye Doorashadii Madaxtooyada 2017 Iyo Tii G, Wakiilada Ee 2021+Midka Hoos Udhac Ku Yimid! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Isbarbar Dhig Ku Sameeyay Codadkii Ay Kala Heleen Xisbiyada Wadani Iyo Kulmiye Doorashadii Madaxtooyada 2017 Iyo Tii G, Wakiilada Ee 2021+Midka Hoos Udhac Ku Yimid!
September 7, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf cali guray oo kamid siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka faalooda xaaladaha geeska iyo Somaliland ayaa isbarbar dhig kusameeyay xisbiyada Wadani Iyo Kulmiye iyo codadkii ay kala heleen doorashdii madaxtooyada ee 2017 ee kulmiye ku guulaystay kursiga madaxwaynaha iyo doorashadii isku sidkanayd ee deegaanka iyo wakiilada ee 2021 codadka ay kala heleen.

Sidoo kale siyaasi cali guray ayaa farta ku fiiqay xisbiga lumiyay taareegadii shacbiga ee uu haystay doorashadii 2017 iyo xisbiga sii xajistay halka uu soo bandhigay korodhka codadka ee xisbiga ucid ee doorashadii golayaasha wakiilada iyo deegaanka ee 2021.

Dhanka kale siyaasi cali ayaa sheegay in xisbiga kulmiye lumiyay taageeradii uu haystay islamarkaana ay adag tahay in mudo 15bilood ah ee ka hadhsan doorashada madaxtooyada ee 2022 in uu kazoo kabto.

Cali guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahayxidhiidhka bulshada ee facebookga waxayna udhignayd sidan;

KULMIYE VS WADDANI

13/11/18. 31/05/21- difference

55% 36..7%. -18.3%

41%. 38.3%. -2.7%

4% 25%. +21%

Marka Aynu Isbarbar Dhigno labadii doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada iyo boqoleeyada codadka ay ka kala heleen labada doorasho waxa muuqata in xisbiga Kulmiye 55% ka helay codbixiintii doorashada Madaxwaynuhu uu hoos u dhacay wax ka badan 18% halka Xisbiga WADDANI oo 41% ka helay codbixintii doorashadii Madaxtooyadu uu hoos u dhacay wax ka yar 3%. Labadan xisbi ayaa marka la isku daro ka helay tiradii codbixinta doorashada Madaxtooyada 96%, halka ay ka heleen 75% doorashadii Wakiilada sababtuna ay tahay korodhsiimada UCID oo ah 21%. Tiradan ayaa 2:7 wuxu kala wareegay Xisbiga WADDANI halka 18.3% uu kala wareegay Kulmiye.

Hadaba hadii aynu qiyaastan u rogno taageerada shacbiyadda labada xisbi ee waawayn waxa muuqanaysa in xisbiga WADDANI oo doorashadii Madaxtooyada uu Kulmiye ka horeeyay 14% uu kor maray Kulmiye qiyaas 1.4% ah.

Hadaba sua’aashu waxay tahay hadii sadexdii musharax ee hore ay mar kale tartamaan November 2022 siday noqon kartaa xaaladda labada xisbi ee Kulmiye iyo WADDANI. Marka hore waxa laga yaabaa in kor u kaca Ucid ee ah 21% ay meesha ka baxdo oo halkiisii hore (4%) ku noqdo. Waxa markaa ay WADDANI iyo Kulmiye ku loolamayaan waa 21% ee Ucid ka wareegi doona yaa badsanaya? Waana sua’aasha milyan doolarka ah. Doorashadiina waxa ka hadhsan 15 bilood oo keliya. Kulmiye oo afartii sanadood ee Madaxwayne Biixi uu xilka hayay hoos uu u sii socday taageerayaashiisii horena uu wada saydhay oo cidla ciirsila kaga dhaqaaqay uu kaga soo kaban karo khasaarahiisa mudo 15 bilood ah gudahood??”Lagama yaabo hadiise ay dhacdo waxay noqon mucjiso yaab leh saw maaha?

Xisbiga WADDANI runtii wuu shaqaysanayay. Ugu yaraan wuxu ku guulaystay in horta uu xejisto taageeradii uu haystay markiisii hore haddana 15 bilood wuxu ku dagaalamayaa in uu Kulmiye la boobo taageeradii uu haystay xiligii doorashadii Madaxtooyada ee uu ku loofaray. Xataa hadii 21% ka uu nus ka rito wuu guulaystay ayay ka dhigan tahay. Weliba in uu ka badsan karana u dhaw.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS