Siyaasi Cabdoo Axmed Aayar Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Iska Wareejiyo Gudoomiyaha Xisbiga Iyo Musharaxnimadiisaba. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cabdoo Axmed Aayar Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Iska Wareejiyo Gudoomiyaha Xisbiga Iyo Musharaxnimadiisaba.
September 28, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cabdoo Axmed Aayar oo xilka badhasaabnimo kazoo noqday gobolada dalka qaar xukuumadii axmed siilaanyo kana mid ah xisbi xaakimka kulmiye ayaa madaxwayne biixi dhaliilo culus ujeediyay isagoo sheegay in uu kala diray xisbigii kulmiye islamarkaana hada uu marayo halkii ugu danbaysay.

Sidoo kale siyaasi Cabdoo aayar ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay in uu iska wareejiyo gudoomiyenimada xisbiga iyo murashaxa madaxwayneba

Dhanka kale Siyaasi cabdoo aayar ayaa taageerayaasha xisbiga kulmiye ugu baaqay in aanay mar danbe fartooda eersan qofka muslimka ahna aan god laba jeer laga wada qaniinin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS