Siyaasi Axmed Talyaani Oo Ka Hadlay Dagaal Gacan Ka Hadalka Ahaa Ee Dhexmaray Suldaanka Iyo Xil Guruuje, Golaha Wakiiladana Ku Dhaliilay Qaabkii Ay Uga Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Axmed Talyaani Oo Ka Hadlay Dagaal Gacan Ka Hadalka Ahaa Ee Dhexmaray Suldaanka Iyo Xil Guruuje, Golaha Wakiiladana Ku Dhaliilay Qaabkii Ay Uga Hadleen!
September 30, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Axmed Muxumed Cumar (Talyaani) Oo kamid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa ka hadlay falkii lagu Dhaawacay xildhibaan guruuje oo u ugaystay suldaan saleebaan Oo ay isku beel yihiin isagoo sheegay in weerarka uu suldaanku Uu ku qaaday xildhibaanka ay keentay hadalo hore oo uu Xildhibaanu warbaahinta umariyay kaasi oo sida uu sheegay ahaa mid uu xildhibaan guruuje shakhsiyadiisa ku weeraray suldaan saleebaan.

Sidoo kale siyaasi axmed ayaa gudoomiye kuxigeenka kowaad ee golaha wakiilada iyo xildhibaanada golaha wakiilada qaar oo iyagu falkan ka hadlay ku dhaliilay qaabka ay uga hadleen iyo aqoon darada ka haysata shaqadii loo doortay iyo xasaanada ay leeyihiin waxyaabaha ay ka reebayso

Dhanka kale siyaasi axmed ayaa xildhibaanada golaha iyo dadka siyaasiyiinta ee arinta xildhibaanka iyo suldaanka sida kale uga faa,iidaysanaya in ay joojiyeen arimaha dadka sii kala fogaynaya.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS