|
|||||
WAJAALE NEWS
Sheekh Aadan-Siira Oo Ka Hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Suldaan Cumar Sul Maxamed Sul Faarax Oo 40 Sanno Ay Saaxiib Ahaayeen!
September 14, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siira) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga oo uu muddo xaalad Caafimaad awgeed halkaasi u joogay. Sheekh Aadan oo ay muddo 40 sanadood ah saaxiibo isku dhaw ahaayeen ayaa waxa uu Suldaanka Geeriyooday ku sifeeyay inuu ahaa Nabad-doon door muhiim ah ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii Qaranka JSL, kana soo jeeda saldanad facweyn oo taariikh ma guurto ah ku leh Somaliland. Sheekhu wuxuu Suldaanka Alle uga baryey inuu u naxariisto, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo, INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Related posts:Daawo: Murashax Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Ku-xigeenkiisa Iyo Nuxurka Khudbadii Uu jeediya... Daawo:Warbixin Damqasho Badan Oo Laga Diyaariyay Xaalada Dadka Abaarta Ba,an Haleeshay ee Gobolada B... Waraysi Xaasaasiya oo Lala Yeeshay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Muxuuse Ka Yi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|