“Shaqada Ay Wasaaraddani Qabato Ee Macdanta, Tamarta Waligayba Waan Jeclaa, Wax Badanna Waan..”Wasiirka cusub ee Wasaarada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Shaqada Ay Wasaaraddani Qabato Ee Macdanta, Tamarta Waligayba Waan Jeclaa, Wax Badanna Waan..”Wasiirka cusub ee Wasaarada
September 10, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka cusub ee wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi oo xilka la wareegay Ayaa ka sheekeeyay sida uu ujeclaa in uu mar n ka shaqeeyo wasaaradan isagoo amaanay agaasimaha wasaarada oo uu sheegay in uu yahay khabiir wasaarado badan kazoo shaqeeyay,

Shaqada Ay Wasaaraddani Qabato Ee Macdanta, Tamarta Iyo shidaalkaba Waligayba Waan Jeclaa, Wax Badanna Waan Ka Akhriyey ilaa wakhtigii Gumaystaha, Waana wasaarad qurux badan, oo Shaqaalaheeduna ay qurux badan yihiin, Nin waliba Waaxda iyo xafiiska uu joogo ku Haboon yahay,

Agaasimaha Guud Ee Waasaradunna Sagaal sano Ayuu Agaasime Guud ahaa waa nin wasaarado badan ka soo shaqeeyey waanna Nin khabiira.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Cabdilaahi Faarax Cabdi

COMMENTS
LINKS