|
|||||
WAJAALE NEWS
“Sadbursiimada Iyo Sawirkaa Foosha Xumi Wuxuu Ceelalyo U yahay In La Gacan Togaaleeyo Fursadaha Shaqo Ee Soo Baxa Qaranka”.Xoghaye Maxamed Sidiiq.
September 5, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha Arimaha bulshada ee xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Maxamed Sidiiq Dhame ayaa nasiib Daro ku tilmaamay in haayadaha dawlada qaarkood xilalkooda Loo magacaabo masuuliyiin isku beel ah ismarkaana ay taasi noqonayso sadbursiimo iyo sawir fool xumo usoo jeediya qaranka Somaliland oo ka dhexeeya bulshada ku kala nool laas qoray ilaa lowyo cado. Xoghaye maxamed sidiiq dhame ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan; “Haayadda shaqaalaha dawladda, maxadka shaqaalaha Dawladda iyo maxadka shaqaalaha dawladaha hoose in loo Qaybiyo qaranka Somaliland ayaa xaq ah, sadbursiimada iyo Sawirkaa foosha xumi wuxuu ceelalyo u yahay in la gacan Togaaleeyo fursadaha shaqo ee soo Baxa, Laas-qoray illaa Lawyo-caddo ayuu ka dhexeeyaa qaranku, Somaliland kama Dhexeeyo jilib keliya. dheellitir la’aanta Digreetooyinka beryahan soo baxayaa waxay qaayaha ka qaadday dawladnimadeenna Somaliland. Qore; Xoghayaha Arimaha Bulshada ee xisbiga Wadani Maxamed Sidiiq Dhame. Related posts:Diyaaraddii Ay Ku Dhinteen Ciyaartooyadu Oo La Ogaaday Inuu Shidaalku Ka Dhamaaday Dabkuna Ka Tagay. Gudida Abaaraha Ee Gobolka Gabiley Oo Kala Diray Koox Adeegyo Caafimaad Ufidin Doona Dadka Abaaruhu... Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Oo Xukuumada Ku Dhaliilay Inaanay Ka Hadal Wararka Sheegaya I... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|