Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Si Adag Uga Hadlay Kiiska Ikraan Tahliil, Taliyaha Nisa Ugu Baaqay In Uu 48saacadood Jawaab Kaga Keeno! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Si Adag Uga Hadlay Kiiska Ikraan Tahliil, Taliyaha Nisa Ugu Baaqay In Uu 48saacadood Jawaab Kaga Keeno!
September 4, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Raysal waaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa muddo 48 saac ah u Qabtay taliyaha hay’adda  NISA Fahad Yaasiin, inuu warbixin dhameystiran kasoo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil.

Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa si kulul u cambaareeyay habkii ay hay’adda NISA usoo gudbisay warbixinta Geerida Ikraan Tahliil, isagoo sheegay in aanay ahayn mid lagu qanci karo oo caddeymo wadata.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay sida loo maareeyay kiiska Ikraan in ay kicisay quluubta dadka Soomaaliyeed, taasoo uu sheegay in ay ka dhalatay in afduub loo geysto dad aan waxba galabsan.

Ugu danbayn, raysal wasaaruhu wuxuu sheegay inuu go’aan cad ka qaadan doono marka uu lasoo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil, isagoo shacabka ugu baaqay in ay isdajiyaan oo ay ka war sugaan go’aanka xukuumadiisa ka qaadanayso arrintan.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS