|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Africa Oo Canbaareeyay Afgambigii Ka Dhacay Dalka Guinea.
September 6, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Midowga Afrika ayaa cambaareeyay afgembigii milateri ee ka dhacay dalka Guinea, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Madaxweyne Alpha Conde. Bayaan ay si wada jir ah usoo saaareen madaxweynaha Midowga Afrika, Felix Tshisekedi, iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki ayaa looga horyimid tillaabada ay qaadeen ciidanka dalka Guinea. Bayaan ayaa ugu baaqay golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika in ay yeeshaan kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda cusub ee Guinea, si looga qaaato go’aan ku habboon. Ciidamada dalka Guinea ayaa shalay ku dhawaaqay inay xireen madaxweynihii dalkaas, iyagoo sidoo kalena joojiyay shaqadii xukuumaada iyo dastuurkii dalka.
Related posts:DAAWO; Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Fariin Adag U Direy Shirkadaha Korontada Bixiya Iyo Daw... Maareeye Maxamuud Raage Oo Faah faahin Ka Bixiyey Xeerkii Madbacada Qaranka Ee Uu Dhawaan Soo Saaray... Daawo -Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeer Ku Soo Maray Goobta Laga Dhisayo Guriga Madaxtoo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|