|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuuliyiin Badan Oo Ka Cabsi Qaba Isku Shaandhayn Cusub Oo Kuraastooda Galaafata Iyo Kooxo CV-yadooda La Gaaf-wareegaya Goobaha Madaxtooyada Laga Taageero!
September 6, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA (W,N)- Kadib markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Khamiistii aan ka soo gudubnay si rasmi ah xukuumaddiisa ugu sameeyey is baddal weyn, waxa dad badan oo siyaasadda xukuumadda la socdaa hadal hayaan, go’aan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mar kale ka qaato xukuumaddiisa oo uu ku sameeyo isku shaandhayn iyo dib u habayn ballaadhan oo la xidhiidha gaar ahaan manaasibta wasiir xigeennada, Agaasimayaasha guud, Guddoomiyayaasha iyo maareeyayaasha hay’adaha dawladda. Tani waxa ay keentay in qaar badan oo ka tirsan Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha kala duwan iyo maareeyayaasha hay’adaha dawladdu noqdaan kuwo joog iyo jiifba diida oo mar walba dadaal ugu jira sidii ay mansabyada ay fadhiyaan u xejisan lahaayeen si taasi u dhacdana ay noqdaan kuwo is muujiya oo ka ag dhawaada Madaxweynaha iyo hadba cidda aadka ugu dhaw sida Wasiirrada sida weyn ugu dhaw Madaxweynaha. Wariye ka tirsan wargeyska Foore oo xaaladdan u kuur galay ayaa noo xaqiijiyey in labadii maalmood ee ugu dambeeyey ay mashquul gaara ahaayeen xafiisyada Wasiirrada sida weyn ugu dhaw Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi gaar ahaan Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed. Waxa wasaaraddaasi gaalaa baxayay xubno badan oo isugu jira Agaasimayaal iyo madaxda hay’adaha dawladda oo muujinaya dadaallo ay kaga hor tagayaan seefta Madaxweynaha, kana hoos galaan mar walba cidda Madaxweynaha u dhaw oo ay miciin bidaan. Dhinaca kale taa baddalkeeda waxa jira xubno badan oo durba bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay dadaalkooda oo dhan isugu gaynayaan sidii ay CV-yadooda u gaysan lahaayeen Madaxtooyada, kuwaasi oo bilaabay in ay dhaqdhaajiyaan cid kasta oo ay ku tuhmayaan in ay waraaqahooda shaqo doon u gaadhsiin karaan miiska Madaxweynaha iyaga oo quudda-raynaya xilalka uu madaxweynuhu magacaabi doono. Huteellada iyo goobaha ay inta badan yimaaddaan masuuliyiinta dawladda iyo dadka ka ag dhaw Madaxtooyadu ayaa mashuul ahaa maalmihii ugu dambeeyey iyada oo ay soo buux dhaafiyeen kooxo xil raadis ahi. Lama oga wakhtiga uu Madaxweynuhu wax ka baddal ku samayn doono xilalka hay’ado badan oo la filayo in uu masuuliyiintooda ku sameeyo isku baddal, magacaabis iyo xilka qaadisba. Isaga oo ku guda jira in uu dhiso xukuumaddiisii ugu dambeysay ee wakhtiga kaambaynka doorashada Madaxweynaha oo sannadka dambe qabsoomaysa.
Related posts:Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Buuxiyay Xubintii Xoghayaha War Faafinta Una Magacaabay Xubin Hore Isa... Daawo: Hay,adda Shaqaalaha Oo Imtaxaan Ka Qaaday 21 Arday Oo U Tartamaya Shaqooyin Ka Banaan Dawlada Daawo:Suldaan Digniin Culus U Diray Ganacsade Maxamed Aw Siciid Iyo Ganacsigiisa Oo Uu Aflagaado Kul... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|