|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Horyimid Shaqo Ka Joojin Uu Raysal-wasaare Rooble Ku Sameeyay Fahad Yaasiin,
September 6, 2021 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka horyimid go’aankii Raysal wasaaraha Soomaaliya uu shaqo joojinta ugu sameeyay taliyahii hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin. Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Farmaajo oo aad u dheeraa ayaa lagu xusay qodobo dhowr ah oo ka mid ah Dastuurka dalka oo la xariira shaqo joojinta Rooble uu ku sameeyay Fahad Yaasiin. ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta Taliyaha HNSQ iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah; Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida; Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya. Warka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah afar qodob oo oo lagu tilmaamayo shaqada Raysal wasaare Rooble iyo inuu baalmaray Dastuurka dalka.
Hadalkan kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa imaanaya, kadib markuu shaqo joojin ku sameeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya taliyahii hay’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|