|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Isku Badal Ku Sameeyay Golaha Xukuumadiisa Iyo Wajiyada Ku Cusub!
September 2, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha jsl Muuse biixi ayaa golaha wasiirada xukuumadiisa iyo qaarkamid ah haayadaha dawlada ku sameeuau xilka qaadis iyo iskubadal Sidoo kale mdaxwayne biixi ayaa wajiyo cusub kusoo daray golaha wasiirada xukuumadiisa. HALKAN KAGA BOGO WAREEGTADA MADAXWAYNAHA; Wareegto Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha,
Ku: Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta
Ku: Yuusuf Mire Maxamed (Boos), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Ku: Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Ku: Axmed Muumin Seed Habane, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha
Ku: Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Ku: Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle, Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka Itoobiya
Ku: Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Ku: Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
COMMENTS
|
LINKS
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|