|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Qaarkamid Ah Badhasaabada Gobolada Iyo Xubno Kale.
September 11, 2021 - Written by Editor:Wareegto Madaxweyne: 11/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi; Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi; Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo; Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar, Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone Ku: Abiib Xaamud Jibriil, Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera Mudane, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1 Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Related posts:Haweenayda Caanka Ah Ee Wariyaha Iyo Qoraaga Ah Ee Mary Harper, Oo Booqatay Xabaashii Marxuum Axmed ... DAAWO;Waraysi Gaara Oo Wasiirka Macdanta Somaliland La Yeelatay Arise Global Business Report Isagoo... Daawo:Dad Ku Sumoobay Neef Xoolo ah Oo Ay Qasheen oo La Soo Gaadhsiiyay Isbitaalka Maagalada Burco COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|