|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Taliyaha Ciidanka Qaranka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Hooyadii.
September 13, 2021 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 13/09/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Faadumo Bookh Diiriye oo ku geeriyooday xaly oo ay taariikhdu ahayd 13/09/2021,Magaalada Gabiley. Waxaanu madaxweynuhu marxuumada si gaara uga tacsiyadaynayaa taliyaha Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ay marxuumadu hooyadii ahayd. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
Related posts:Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Kulan La Qaatay Ergeda Beesha Warsangeli Ee... Ciidanka Dabdamiska Jsl Oo Damiyay Dab Qabsaday Bakhaarka Diiriye Ee Xaafada Jig Jiga Yar Iyo Khasaa... DAAWO;“Hadii Ay Jirto Cid Beelo Ah Oo Shir Loo Qabanayo Waxaa U Baahan Ceel Afwayn,Ee Burco Uma Baah... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|