Madaxwaynaha Jsl Oo Qaabiley Wafti Ka Socda Dalka Itoobiya Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Qaabiley Wafti Ka Socda Dalka Itoobiya Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
September 3, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wasiiru-dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Mr. Redwan Hussein oo uu wehelinaayo safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil iyo masuuliyiin la socday weftiga wasiiru-dawlaha.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland, dawladda federaalka ah ee Itoobiya, arrimaha la xidhiidha isu-socodka labada dhinac ee ganacsiga iyo iskaashiga horumarineed ee waddada berbera corridor ay ugu horayso iyo isticmaalka dekeda Berbera oo uu xusay wasiiru-dawluhu in dalka itoobiya uu baahi weyn u qabo dekedo kala duwan, muhiimad gaarana ay siinayaan dekeda Berbera.

Sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii ay hore u galeen labada dawladood oo la joogo wakhtigii la dhamaystiri lahaa hirgelinta wixii hore la isugu afgartay ee dani ugu jirto labada shacbi iyo labada dawladood.

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiir ku xigeenka hore ee arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah hadana ah, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan iyo masuul ka socday wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland.

 

 

COMMENTS
LINKS