Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Booqasho Ugu Tagay Madaxwaynihii Hore Ee Jsl Siilaanyo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Booqasho Ugu Tagay Madaxwaynihii Hore Ee Jsl Siilaanyo!
September 24, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa maanta oo jimce ah gelinkii dambe wuxuu booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay hoyga uu ka degen yahay magaalada Abu Dubai ee dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta Madaxweynihii Hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.

Booqashada gudoomiye cirro ee Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo qoyskiisa kaasi oo kusoo xidhay booqashadii iyo salaan sharafeedkii Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ugu yimid. Waxa kale oo kulankaas ku wehelinaayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka waa wayn ee Somaliland.

Dhanka kale gudoomiye cirro ayaa ka hadlay booqashada uu ugu tagay siilaanyo iyo qoyskiisa isagoo qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa sidan;

Waxa aan maanta kulan gaar ah ku wada yeellannay hoyga uu ka deggan yahay Caasimadda Imaaraadka ee Abu-dhabi Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo qoyskiisa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Ilaahay waxa aan uga rejaynayaa Madaxweyne Siilaanyo in uu caafimaad iyo cimri dherer siiyo. Aamiin.

 

 

COMMENTS
LINKS