Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jsl Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Dalka Emaraadka Ujooga Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jsl Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Dalka Emaraadka Ujooga Somaliland
September 5, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Dawladda Imaaraadka u qaabilsan Somaliland Mr Abdulla Al-Naqdi.

Ujeeddada guud ee kulankan ayaa ahayd isbarasho, waxaana intii uu kulanku socday lagaga wadada hadlay sidii wada shaqayn looga dhex abuuri lahaa baarlamaanka Somaliland iyo baarlamaanka dawladda Imaaraad-ka

Shirguddoonka iyo Wakiilka ayaa isla afgartay in ay baarlamaannada Imaaraadka iyo Somaliland iska kaashadaan dhanka aqoonta iyo waayo aragnimada shaqada, islamarkaana ay weftiyo labada dhinac ah is waydaarsadaan.

 

COMMENTS
LINKS