DAAWO;-Xarun Caafimaad Oo Nooceegu Ku Cusub Yahay Dalka Oo Laga Furay Magaalada Hargaysa Iyo Adeegyada Ay Siinayso Dadka Qaba Xanuunada Dhiig Karka Iyo Macaanka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Xarun Caafimaad Oo Nooceegu Ku Cusub Yahay Dalka Oo Laga Furay Magaalada Hargaysa Iyo Adeegyada Ay Siinayso Dadka Qaba Xanuunada Dhiig Karka Iyo Macaanka!
September 1, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Maayarka Kuxigeenka Caasimada hargaysa ,Xildhibaano Iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay Munaasibad xadhiga lagaga jarayay xarun caafimaad oo nooceegu ku cusub yahay Somaliland taasi oo bixin doonto Adeegyo lagu nafaqaynayo hooyada iyo dhalaanka iyo Daryeelka dadka qaba xanuunada Macaanka Iyo Dhiig Karka oo ka heli doono cuntooyin muhiim u ah isticmaalkoodu iyo talooyin caafimaad.qurxinta dumarka iyo dhimista miisaanka buurnimada,

Waxaa kale oo munaasibada xadhig ka jarka xarunta kazoo Qaybgalay masuuliyiiin ka socday wasaarada caafimaadka Somaliland iyo xisbiga mucaaridka ee Ucid kuwaasi oo soo dhaweeyay furitaanka xarunta iyo muhiimada ay uleedahay bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan caasimada hargaysa,

Ugu Horayna waxaa faah faahin ka bixiyay adeegyada ay bixin doonta xarunta caafimaad ee laga magacaabo “KNOW YOUR FOOD” Oo Somali ahaan noqonaysa Garo Cuntadaada  Mulkiilaha Xarunta Marwo Drs Khadra Cumar Jaamac oo si qotodheer usharaxay waxyaabaha ku kulifay furitaanka xarunta iyo baahida ay uqabaan bulshada qaybaheeda qaba xanuunada macaanka,dhiig karta ,nafaqaynta caruurta iyo hooyada iyo sidoo kale xarunta caafimaad ayaa bixinta adeegyada  qurxinta dumarka iyo dhimista miisaanka buurnida.

Dhanka kale masuuliyiintii ka hadlay munaasibadan ayaa ku dhooweeyay iyagoo sheegay in baahi wayn loo qabay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS