DAAWO;-Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Prof Cismaan Ciise Cawaale! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Prof Cismaan Ciise Cawaale!
September 2, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Alle ha,unaxariistee waxaa maanta Aas qaran xabaalaha Malowle ee galbeedka magaalada hargaysa loogu sameeyay Marxuum Prof Cismaan Ciise Cawaale oo kamid ah madaxda jaamacada hargaysa oo habeenkii xalay ku geeriyooday magaalada hargaysa.

Aaska Marxuum Prof Cismaan Ciise Cawaale ka qaybgalay masuuliyiin katirsan xukuumada, bahda waxbarashada iyo qaarkamid ah macalimiintii ay soo wada shaqeeyeen in ka badan 50sano uu wax ka dhigayay Gayiga Somaliland kuwaasi oo ka waramay taariikhdii marxuumka tacsina udiray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

Sidoo kale Prof Prof Ibraahim Maxamed Meecaad oo ay marxuumka saaxiib dhow ahaayeen islamarkaana ay mudo dheer macalimiin soo wada haayeen oo ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay geerida marxuumka isagoo waramay taariikhdii marxuumka iyo dabeecad wanaagii Marxuum Prof Cismaan Ciise cawaale.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA AASKA MARXUUM PROF CISMAAN CIISE CAWAALE;

COMMENTS
LINKS