|
|||||
WAJAALE NEWS
Amb Baashe Cawil Oo Iska Casilay Xilkii Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Ee Uu Madaxwaynaha Jsl Umagacaabay.
September 3, 2021 - Written by Editor:“Waxaan Halkan Kuugu Soo Gudbinayaa Qoraalkan Aan Iskaga Casilayo Xilka Aad Iigu Magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda”Amb Baashe Cawil HARGAYSA(W,N)-Amb baashe Cawil Xaaji Cumar oo maalintii shalay maadxwaynaha Somaliland muse Biixi Cabdi umagacaabay wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha dibada ayaa iska casilay xilkaasi iyo xilkii Safiirka dalka Kenya ee uu hore u ahaa wallow aanu wax faah faahin ah ka bixin sobobta uu uga biyo diiday xilka uu madaxwaynuhu umagacaabay. Amb Baashe cawil ayaa qoraal uu ku shaacinayo iscasilaadiisa ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee faceboookga wuxuna udhignaa Sidan; WAR-SAXAAFADEED: 02/09/2021 ISCASILAAD Mudane Madaxweyne anoo xiganaya Wareegtadaada summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 kuna taariikhaysan 02/09/2021, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya, kaas oo bishii August 13 2018 aad ii magacowday. Waa sunnaha siyaasada in shaqada qaranku tahay qori isku dhiib, sidaad darteed sharaf weyn ayay ii ahayd xilka aan qarankankayga u hayay uguna addeegayay lixdii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland u matalaya UAE iyo Kenya. Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in aad iga aqbasho codsiga aan halkan kuugu soo gudbiyay. ALLAA MAHAD LEH. Baashe Cawil Xaaji Cumar.
Related posts:Munaasibad Loogu Duceeyey Marxuum Suldaan Xandulle, Laguna Shaaciyey Caleemo-Saarka Suldaanka Beddel... Maamulaha kastamka Wajaale Oo ka Badheedhay In uu Cashuur Dhaaf Sharci Darro ah u Sameeyo Sharaabka ... DAAWO: Mujaahid Ibraahim Dhago-weyne Oo Xukuumada Siilaanyo ku Eedeeyay In Ay Ku Fashilantay Waxk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|