Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Ay Baadhitaano Ku Samaynayso Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Ay Baadhitaano Ku Samaynayso Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo!
August 21, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)-Warsaxafadeed kazoo baxay Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa lagu sheegay in ay baadhis galinayso Dugsiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo oo dadka qaar ku eedeyeen in maamulkoodu ka shaqeeyo Arrimo diinta Islaamka khilaafsan.

Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta  ayaa sheegtay in madaama oo ay soo baxayaan tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , oo ah in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka ay wasaaradaha waxbarashada iyo diintu baadhi donaan waxa ka run ah tuhunada.

“Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani” ayaa lagu yidhi warsaxafadeedka.

 

COMMENTS
LINKS