Xukuumada Ma Waxa Ay Isku Raacday Qorshe Mudo Kordhin Madaxwayne Oo Laba-sanadood Ah? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Ma Waxa Ay Isku Raacday Qorshe Mudo Kordhin Madaxwayne Oo Laba-sanadood Ah?
August 17, 2021 - Written by Editor:

Kalfadhigii golaha wasiirada jamhuuriyada Somaliland ee 77naad ee 5 Aug 2021, ayaa waxa war bixin lagaga dhagaystay wasiirka maaliyada jamhuuriyada Somaliland , waxaana lagu sheegay in ay ahayd odoros miisaaniyadeed sadexda sanadood ee soo socda 2022 , 2023 iyo 2024 .

Miisaaniyadu waa mashruuc sharciga ugu weyn uguna muhiimsan ee xukuumadu ku shaqeyso , waxaana loo sameeyaa sanad le isku sar go’an dakhliga iyo kharashka guud ahaan dawlada Somaliland , maadaama oo uu sidaa muhiim u yahay dastuurka iyo xeerarka dalkuna ahmiyad weyn ayey siiyeen .

Haddaba waxa aynu ognahay in mudo xileedkii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumadiisa uu ku eeg yahay 13-Nov-2022 oo mudo xileedkii 5 sanadood ee la doortay halkaasi kaga dhamaanayso , xukuumada dambe ee timaadaana ay odorosi doonto qorshe miisaaniyadeedkeega.

Waxa xigtay in Af-hayeenka xisbiga talada haya ee Kulmiye uu Shirweynihii Sonsaf 15 Aug 2021 ka sheegay in aanay dhacayn doorasho isaga oo ku sababeeyey in liisamada axsaabta siyaasadu dhaceen , axsaab liisamadu ka dhaceena aanay doorasho galayn.

Halkaasi waxa ka muuqda qorshe loogu gogol xaadhayo mudo kordhin laba sanadood ah oo madaxweynaha loo sameeyo , taasi oo gef ku ah hanaanka doorashooyinka iyo nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland.

SHARCIGU MUXUU KA ODHANAYAA LABADAN ARIMOOD!!

Miisaaniyad ; waxaa loola jeedaa hanaanka ay dawladu u dejiso heerarka ilaha maaliyadeed si ay u urursato isla markaana si midho dhal ah ugu qoondayso kharash gareynta khayraadka maaliyada ee dhamaan qaybaha dawlada si loo gaadho hadafyada qaranka … sidani waxa ku qeexay miisaaniyada xeerka maamulka maaliyada qaranka 75/2016.

Haddaba sida ku cad dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 55naaf faqradiisa 4aad waxa ku cad in miisaaniyadu tahay sanadle.

Sidoo kale xeerka maamulka maaliyada jamhuuriyada Somaliland xeer lr 75/2016 waxa ku cad qodobkiisa 2aad faqradiisa 3aad in miisaaniyada qaranku tahay sanadle .

Arinka khuseeya dhicista liisamada axsaabta siyaasada waxaa si cad uga hadlay xeer lr-14 2021 qodobkiisa 8aad faqradiisa 1aad , 2aad iyo 3aad waxaana marka la eego mudadii ay axsaabtu liisamada qaateen oo ahayd December 2012 ay liisamadu kaga eeg yihiin Dec 23 2022 markii maxkamada sare ku dhawaaqday natiijadii rasmiga ahayd , halka doorashada madaxwaynuhu mudeysan tahay 13-Nov-2022.

Qalinkii;Hogaamiye Mohamed Abdi Jama “M. Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS