|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Cusub Iyo Dib Uhabeynta Xisbiga Kulmiye Ee Laga Filayo Madaxwayne Muuse Biixi Maxay Noqon Karaan Xiligani?
August 13, 2021 - Written by Editor:( Qalinka madaxweynaha ayaa aad loo qooraansanayaa bal cida uu qabto xiligani xasaasiga ah ). Waxa aad loo hadal hayaa in Madaxweynaha Jamhuuriya Somaliland uu isku shaandhayn weyn ku sameynayo xukuumadiisa iyo guud ahaan dawlada inta uu awooda u leeyahay in magacaabo ama xilka ka qaadi karo . Waxa aad la iskuweydiinayaa xukuumada uu soo wadaa maxay noqon kartaa intee masuul ayaa la badelayaa, yaa ka mid noqon doona xukuumada cusub , qaabkee Madaxweynuhu u xulan doonaa kooxdiisa cusub , xisbiga muxuu ka damacsan yahay, iwm. Bal waxa aan jeclaystay in aragtidayda idin la wadaago iyo sida ay iila muuqato iyo waliba waxyaabaha laga yaabo in ay dhacaan xiligani , maadaama Madaxweynaha mudo xileedkiisii uga hadheen sanad iyo bilo koobani, waxaana uu soo wata marka koowaad laba qorshe ; 1;Mid dib u habeyn iyo dardar galin xisbiga Kulmiye noqon doonta. 2;Mid dardar galinta iyo dib u eegista hay’adaha , wasaaradaha iyo guud ahaan qaranka noqon doonta . Haddaba hadii aynu ku horeyno midka koowaad ( 1aad ) ee aynu nidhi dardar galinta xisbiga Kulmiye, waa qasab iyo lagama maarmaan waxaana sabab u ah ; 1;Damaca Madaxweynaha ee doorashooyinka soo socda in uu mar labaad isku taago sida uu siinayo dastuurka dalku. 2; Guuldaradii xisbigu kala kulmay doorashadii wakiilada iyo deegaanka ee qabsoontay 31-05-2021. Midka labaadba ( 2aad ) waxa ay noqon doontaa dib u eegis iyo dib u habeyn xukuumadiisa iyo hay’adaha qaranka ee Madaxweynuhu awooda u leeyahay badelkooda iyo magacaabistooda , waxaana laga yaabaa in uu yeello qodobadan; 1; In uu dhamaan badelo wax Alla waxa digreeto madaxwaye ku magacaaban isaga oo waliba kula garnaqsanaya in uu wakhti wanaagsan siiyey oo ay 4 sano la dhameysteen badhna ay ka soo hadheen xukuumadii Axmed Siilaanyo ee 2010 , sababtuna ay noqon karto in uu dareensiiyo waxa uu u galay si ay ula sii shaqeeyaan. 2;In kooxda xukuumada joogta uu xisbiga geeyo oo uu dadka xisbiga ku hadhay iyo cidii kale ee reer Somaliland ah ee uu u arko in ay anfacayso mustaqbalka dalka , doonistiisa siyaasadeed iyo xisbigiisaba uu soo urursado. 3;In uu qaabka uu xukuumada ku dhisayaa noqdo sidii xisbiga loogu hawlgalay doorashadii 31-05-2021 oo cidii guulo soo hoysayna ay kuraasideeda haysan doonto intii ku guul dareysatayna ay meesha banayn doonaan. 4;In uu sidii lagu yaqaanay dhawr qof iswaydaariyo oo uu sidaa isaga daayo , taasi oo loo qaadan karo in aanu lahayn damac iyo hunguri hogaamineed oo dambe iyo in uu xisbigiisa aanu rajo badan ka sii lahayn maadaama oo uu ujeedadiisa ku gaadhay. Isku soo wada xoori waxa la dhowrayaa oo aad loo qooraansanayaa qalinka madaxweynuhu cida uu qabto xiligani xasaasiga ah , waxaana la sugayaa inta ay barito oo sabti ahi ugu horeyso ilaa sabtida dambe in uu soo baxo isbadel uu ku sameeyo xukuumadiisa iyo guud ahaan hay’adaha qaranka jamhuuriyada Somaliland ee uu awooda u leeyahay. QALINKII; Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Related posts:Ambasador Cawil oo Si Hoga-tusaalayn Ah Uga Hadlay Nabad Geliyada Gobolka Sanaag iyo Sida Ay U Aragt... Shirkada Sompower Oo Ka Hadashay Khasaaraha Ay Soo Gaadhsiiyeen Roobabkii Xalay Iyo Dhimashada Laba... Ergayga Turkiga Ee Wada Hadalada Somaliland & Somaliya Iyo Ergayga Geeska Afrika Ee Sweden Oo Socdaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|