|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Cabdikariim Sheikh Cumar Oo Maanso Kaga Fal Celiyay Xadhiga Ay Xukuumadu Kula Kacday Sheikh Maxamed Ismaaciil.
August 17, 2021 - Written by Editor:“Doraad baan xasuustoo Hagardaamadii hore Cirdigiisa lagu galay Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar sh, Ahmed Fure Oo Katirsan Mudanayaasha golaha guurtida Ayaa maanso kaga Fal celiyay Xadhiga ay xukuumadu kula kacday sheikh Mohamed sheekh Ismaaciil oo kamid ah culimada reer somaliland.
Doorkan maanta maansada Hawraartu waa dood iyo Dareen jira aan halbeega saaree Baaqaygu daah furan Damiirkaygu siduu yahay Haatan waan damqanayaa Dabuubtayda hadalkuna Daliilkeedu wuxuu yahay Gardaradaa lagula kacay Halyay birimagoydo ah Sheekh diinta lagu hubo Daacigaa illaahay Doraad baan xasuustoo Hagardaamadii hore Cirdigiisa lagu galay Godob baan tirsanayaa deel qaafkan maantana dulmi diid ayaan ahay xaqa daaficiisana nin danaynayaan ahay cadli doon ayaan ahay muslimiinta oo idil nin daryeela baan ahay gaalada damiimka ah Nin ka Adag ayaan ahay Doc kayeedh nin liitaw Munaafiqnimada ku faanee Culimada ku duulaw waxaan kuu dardaar warin erayadan digniinta ah Ahmed guray ma uu dhiman ma goblamin darwiishkii geenyadu ma daalana Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Related posts:“Muqdisho Masiibada Ku Habsatay Waan Ka Tacsiyeynayaa,Dhimashada Ku Timid Dadka Shacabka Ah Ee Aan W... Ceerigaabo: Xarunta W/Qorshaynta Qaranka Oo Dhawr Bilood Qafilan, Qawlaysato Lacag Urursanaysa Oo Ka... Qoraa Cali Qoryoolay Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadalo Uu Faarax Macalin Ku Duray Qadiyada Somalilan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|