Wasiir Koore Iyo Telefishanka Uu Maamulo Oo Weli Ku Jira Ololihii Doorashadii shir guddoonka G, Wakiilada Ee Lagu Kala Calaf Qaaday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Koore Iyo Telefishanka Uu Maamulo Oo Weli Ku Jira Ololihii Doorashadii shir guddoonka G, Wakiilada Ee Lagu Kala Calaf Qaaday!
August 10, 2021 - Written by Editor:

Wasiiro Xukuumada Madaxwayne Biixi Katirsan Iyo Televisionka Dawlada Oo Wali Baahinaya Warar Ay Ku Dhaleecaynayaa Shir Gudoona Cusub Ee Golaha Wakiilada, Iyo fadeexadaha Ku Duugan!

Hargeysa(W,N)-Xukuumadda KULMIYE ayaa weli u muuqata Inay ku jirto olollihii laga soo gudbay ee doorashadii shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,taas oo lagu kale Calaf qaaday toddobaadkii hore,isla markaana ay ku guulaysteen Xisbiyadda isbahaysiga Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI.

Xukuumadda KULMIYE ayaa ah weli mid ku jirta olollihii doorashadii dhacday ee shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,waxaanay tahay mid isku illowday olollahaas uu wakhtigiisii dhammaaday,iyadoo wadda xag-xagashadii Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed .

Dhanka kalene wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Farriid) oo war-baahinta la hadlay ayaa eedaymo bilaa jiho ah u jeediyey Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed.

Wasiirka Wasaaradda War-faafinta Xukuumadda Madaxweyne Biixi Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isagu kamid ahaa xubnaha Xukuumadda KULMIYE ee sida weyn uga dagaalamayey in aanu Cabdirasaaq Khaliif noqon Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana dagaal aanu wax-ba reeban galay,isagoo adeegsanaya War-baahinta Xukuumadda Somaliland, sida Telefishanka Qaranka Somaliland,Radio Hargeysa iyo Wargeyska Dawan,ayaa haddana waxa uu u muuqdaa inuu weli waddo dagaalkiisii ka dhanka ahaa Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Wakiillada Somaliland Md.Cabdirasaaq Khaliif Axmed.

Geesta kale Telefishanka Qaranka Somaliland iyo Radio Hargeysa ayaa sii wadda dacaayado raqiis ah oo ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed,kuwaas oo la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyo Wasiir Koore,maddaama oo aynu ogsoonahay in shaqaaluhu yihiin kuwo idmanayaal ah oo isaga ka amar qaata.

Si kastaba ha-ahaatee Qaybo kamid ah Xukuumadda KULMIYE iyo Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa weli ku jira olollihii doorashadii lagu kale calaf qaaday ee shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,waxaanay sii wataan dagaalkoodii ka dhanka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirasaaq Khalif Axmed .

COMMENTS
LINKS