|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkii Golaha Wasiirada Jsl Oo Lagaga Dooday Arimo Muhiim Iyo Kordhinta Mushaharka Ciidamada Qalabka Sida!
August 26, 2021 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED-26 /08/2021-()-Fadhigii 78-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo horumarinta maaliyadda. Ugu horrayna waxa warbixin laga dhegeystay wasiirka Arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha xog ka siiyey nabadgelyada guud ee dalka iyo dedaallada ay ciidamadu ugu jiraan ka hortagga arrimaha la xidhiidha sugidda amniga iyo la dagaallanka mukhaadaraadka. Sidoo kale wasiirku waxa uu golaha la wadaagay in la sii xoojiyey la socodka arrmaha ka socda mandaqada Geeska Afrika. Waxa isna golaha warbixin la xidhiidha nidaamka iyo habraaca miisaaniyad sannadeedka 2022 golaha la wadaagay wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, dood iyo falanqayn dheer ka dibna waxa xubnaha golaha wasiirradu u soo jeediyeen wasiirka talooyin la xidhiidha miisaaniyadda qaranka Somaliland. Ugu danbayntiina wasiirka oo ku guda jira sharraxaada miisaaniyad sannadeedka ayaa xusay in sannadkan boqolkiiba labaatan (20%) la kordhin doono mushaharka dhammaan ciidamada qalabka sida. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
Related posts:Maayarka Caasimada Oo Soo Kormeeray Waddo Cusub Oo Dawlada Hoose Ka Hirgalinayso Badhtamaha Magaalad... Daawo:Salfudaydkii Xisbiga Ucid Oo Wali Siraadan Iyo Masuuliyiin Hore U Shaaciyay In ay Iska Casilee... DAAWO: Wasiirada Diinta Iyo Aw Qaafta iyo Warshadaha Iyo Masuuliyiinta G, Gabiley Oo ka Qayb-galay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|