Shir-gudoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada Jsl Oo kulan Layeeshay Madaxa UNSOM! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shir-gudoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada Jsl Oo kulan Layeeshay Madaxa UNSOM!
August 10, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N) Golaha Wakiilada ee cusub oo ku jira wiigiisii Ugu horeeyey ee shaqo ayaa waxaa uu shirgudoonka cusub kulamo is-daba jooga la yeeshay madax iyo mas’uuliiyiin farabadan oo ka socda hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba.

Saaka oo taaariikhdu ahayd 10 August 2021, ayaa shirgudoonka cusub waxaa xafiiskooda booqasho gaaban ugu yimid madaxa hay’adda UNSOM ee Somaliland Mr. Simon Strachan, oo uu ku weheliyo Ahmed Osman oo ah madaxa xuquuqal insaanka ee UNSOM xafiiska Somaliland.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd  is-barasho iyo xog-iswaydaarsi, waxaa furay kulanka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isbarasho ka dib, la wadaagay Mr. Simon qorshaha Golaha Wakiiladu doonayo in uu ku talaabsado sanada soo socda, kuwaas oo ay ugu mudan yihiin in Goluhu uu waajibaadkiisa dastuuriga ah u guto si hufan oo hawlkarnimo leh.

Dhinaca kale Mr. Simon ayaa balanqaadey intii suuro gal ah in ay Golaha la shaqeeyaan wixii taageero ee ay awoodaan la wadaagaan mustaqbalka dhaw.

Sidoo kale kulankan waxaa gudoomiyaha ku wehelinayey Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Mudane Siciid Mire Faarax  (Giire) oo dhiniciisa sheegay in Goluhu rabo in uu sameeyo hor-umar dhan kasta ah mudada ay xilka hayaan.

Waxaa kulankan sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha Qorsheynta Golaha wakiilada Abdinasir Osman Mohamoud iyo la-taliyaha Gudoomiyaha ee arrimaha caalamiga ah iyo xidhiidhka dibada mudane Abdirisak Mohamed Ibrahim. Mudane Abdinasir (Agaasimaha Qorsheynta) ayaa  si kooban u sharaxay qorshaha mustaqbalka dhaw ee Golaha Wakiilada,

Kulankan oo qaatey wakhtii badan waxaa uu ku soo dhamaadey is-afgarad iyo is-bogaadin, waxayna labada dhinac ku balameen wada-shaqeyn ay yeeshaan mustaqbalka.

COMMENTS
LINKS