|
|||||
WAJAALE NEWS
Sheikh Maxamed Ismaaciil Oo Dib Uhelay Xoriyadiisii Kadib Laba Cisho Oo Uu Ku Xidhnaa Magaalada Hargaysa.
August 18, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xukuumada Somaliland ayaa caawa fiidkii siidaysay sheikh Maxamed Ismaaciil oo mudo laba cisho ah ku xidhnaa magaalada hargaysa sida ay noo xaqiijiyeen eheladiisu. Majiro wax war oo kazoo baxay dhinaca xukuumada oo aan horena uga hadlay sobobta ay uxidhay sheikh iyo danbiga loo haystayba iyadoo shacabka Somaliland ay sharci daro ku tilmaameen xadhiga sheikh maxamed ismaaciil oo kamid ah culimada waawayn ee Somaliland. Dhanka Kale. xisbiyada mucaaridka ayaa xukuumada ku dhaliilay sifaha ay umartay xadhiga sheekha iyagoo baaqay in laamaha amaanka looga baahan yahay in ay shacabka ucadeeyeen sobobta keentay xadhiga sheekha. WAJAALENEWS DESK
Related posts:Daawo: Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog Oo Xukuumadda Siilaanyo Eadaymo kulul u jeediyay Tilmaamayna ... Halkan ka Akhri.Weedha Cali Guray Ee Wareejinta Haamaha ‘Shimaa La Arkayaa Waa Su'aal Sharad Ka Yaal... Prof Ibraahim Meecaad Oo Ka Hadlay Xaalada Cakiran Ee Uu Dalku Marayo, Baaq Culusna Udiray Shacabka ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|