Sheekh Aadansiiro Oo Ceel Biyoodo Tiro Badan Ka Dhagax Dhigay Deegaanka Dhaboolaq, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Aadansiiro Oo Ceel Biyoodo Tiro Badan Ka Dhagax Dhigay Deegaanka Dhaboolaq,
August 27, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Sagaal ceel biyood oo cusub ayaa laga dhagax dhigay deegaanka Dhaboolaq oo ka tirsan deegaanka Fara-Weyne ee gobolka Maroodijeex.

Ceelashan ayaa waxa deegaankaas ka dhagax dhigay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) iyo xubno kamid ah odayaasha deegaankaas,waxaanay ceelashani tiradda guud ee ceelasha deegaankaas laga hirgeliyey ka dhigaysaa 17 Ceel oo ay dad muxsiniin ahi ka hirgeliyeen deegaanka Dhaboolaq.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) oo ah isku xidhaha mashaariicdan ceelasha lagu dhisaayo oo ka hadlay goobta laga dhagax dhigaayey ceelashan ayaa faah faahin ka bixiyey samaynta ceelashan,waxaanu tilmaamay in deegaankaasi yahay mid biyo badan oo Gu’ iyo Jilaal biyaha laga helo,isla markaana ay lacag yari ku baxayso qoddis ceelashan laga hirgelinaayo,sababtaasna ay u doorteen deegaankaas.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) ayaa sidoo kale sheegay in ceelashan ay hirgelinayaan dad muxsiniin ah oo waqaf ahaan Ceelashan ugu dhisaaya waalidkood,madaama oo saddaqada ugu fadliga badani ay tahay waraabinta biyaha,isaga oo halkaas uga duceeyey cid kasta oo waqfigan la baxday.

Geestoodana odayaasha Deegaanka Dhaboolaq oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey dadka ceelashan waqfiga u bixiyey iyo Sheekh Aadan Siiro oo isna kaalin weyn ka ciyaaray hirgelinta Ceelashan, waxaanay tilmaameen in ceelashan ay kaga raysteen dhibkii biyaha,iyaga oo cadeeyey in ay hore dooxa Dhaboolaq dhibaatooyin ugala kulmi jireen, si ay biyo uga helaan.

COMMENTS
LINKS