|
|||||
WAJAALE NEWS
Qoys Degan Deegaanka Makhaayada Inanta Oo Siwayn Uga Cawday Shakhsiyaad Ay Sheegeen In Ay Dhulkoodii Xoog Kaga Qaadayaan,
August 26, 2021 - Written by Editor:“Waxaa Cagaf Nagu Soo Istaadhay Ninka Layidhaa Khadar Buraale Oo Wata Ninkii Aanu Hore Uga Cabanaynay Madaxwayne, Dawladii Aan Hore Usheegayna Wali Way Ka Jirtaa Makhaayada Inanta”Qoys Cabanaya. HARGAYSA(W,N)-Qoyska Ilma Cali Dheere oo degan deegaanka Makhaayada Inanta ee galbeedka hargaysa ayaa cabasho wayn ka muujiyay masuuliyiin iskugu jira saraakiisha ciidanka booliska iyo xildhibaan hore oo kamid ahaa golihii deegeenka degmada hargaysa oo ay sheegeen in ay xoog iyo awood kaga qaadayaan dhulka beer ay ka dhaxaleen awoow good taasi oo aan ka mid ah ahayn dhulka bootada ee mudooyinkii udanbeeyay muranka ka taagan
Sidoo kale qoyska ayaa sheegay in ay ciidamo galiyeen islamarkaana ay ugaysteen tacadi xadhig iyo cago juglayn ah.
Dhnaka kale qoyskan ayaa madaxwaynaha ugu baaqay in uu kazoo gaadho islamarkaana uu hoos u eego dhibta lagu hayo. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|