|
|||||
WAJAALE NEWS
“Nimanka Lacagta Haystaa Waxay Ku Isticmaalaan Dhaqaalahooda Inay Wax Dan Guud Ah Ku Qataan Ama Wax Dan Guud ah Ku Xanibaan”Wasiir Naasir
August 16, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo ayaa si weyn cabasho uga muujisay tijaarta dalka iyo dadka ladan,kuwaas oo ay sheegtay inay dhibaatadda ugu badan ay dalka ku hayaan,isla markaana ay dhibaatooyinka dhulka iyo muranada ugu baddan qayb ka yihiin. Xukuumadda ayaa dadka Lacagta haysta ku eedaysay inay caqabad ku yihiin dhulka danta guud ee dalka,iyagoo isku daya inay lacag ku qataan dhul dan guud ah,isla markaana ay mararka qaar ku xanibaan jidadka iyo goobaha kale ee danta guud ah. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid oo arrintaas ka hadlay ayuu haddalkiisu u dhignaa sidan:-“Dadka ugu mishkiladda baddan waa dadka dhaqaalaha haysta annigu muddo baddan ayaan ka shaqaynayey Dowladdaha hoose waan aqaan dhulka dhibta dadka abuuraa waa dadka shacabka ah nin kastaa waxa uu doonayaa inuu waddada dhawr mitir soo gallo, hadhowna waxa uu odhanayaa isagoo ku soo durkay maxay Dowladdu wax uga qaban weyday, kuwa lacagta haysta ayaa ugu dhib baddan, nimanka lacagta haystaa waxay ku isticmaalaan dhaqaalahooda inay wax dan guud ah ku qataan ama wax dan guud ah ku xanibaan ama waddo ama dhul dan guud ah am wax kale ha noqotee, cida lacagta haysata ayaa arrimahaas gashay uun qof dan yar ahi ma gallo .”ayuu yidhi Waxa uu intaas ku daray Md. Cabdinaasir Caydiid “Nimanka u baahan in wax laga qabtaa ee dalka dhibaatada ku hayaa waa kuwaa ,waddooyinkii iyo dhulkii meel kasta kuwa rabshayaa waa cid lacag haysata uun.” Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaaradda daakhiliga Somaliland. Related posts:DAAWO SAWIRRADA: Madasha Meherkii Maanta Laysku Arkay Ee Abwaan Weedhsame iyo Marwadiisa+Jewigii iyo... Arin Mucjiso Ah: Gabadh Yar Oo Qeybo Jidhkeeda Ka Mid Ah Ay Dhagxaan Ka Soo Daadanayaan+Sawirro Haayadaha Abniga Ee Somaliya Oo Baadhitaan Ku Wada Warar Sheegaya In Abwaan Nageeye Ku Biiray Alshab... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|