Madaxweyne Biixi Oo Golaha Wakiilada Dib Ugu Soo Celiyay Xeerka Furista Ururada Siyaasada+Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo Golaha Wakiilada Dib Ugu Soo Celiyay Xeerka Furista Ururada Siyaasada+Sobobta!
August 24, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi ayaa laba cisho ka hor  Golaha wakiillada ee cusub dib ugu Soo celiyey ‘xeerka Furista ururada iyo asxaabta siyaasada (XEER No. 14/2011)’ oo dhowaan uun uu Golaha guurtidu u soo gudbiyey.

Ilo xogogaal ah ayaa ii xaqiijiyey in madaxweynuhu uu shirguddoonka Golaha wakiilada mudane u gudbiyey qoraal rasmi ah oo uu ku wargelinayo soo celinta xeerkaas. In kasta oo aan wali si rasmi ah loo ogayn sobobta keentay in uu kusoo celiyo xeerkan oo mudo 54cisho ah horyaalay Iyo waxa uu madaxweynuhu ku sababeeyey.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda Golaha lagu wargeliyo soo celinta xeerkaas,  gaar ahaan ansixinta xeer-hoosaadka wakiillada kaddib.

Xeerkan ayaa dhigayey in ururrada siyaasadda la diiwaangelin doono lix bilood ka hor waqtiga dhicitaanka liisanka xisbiyada, taas oo abuurtay doodo la xidhiidha sida ay xisbiyadu ku geli doonaan doorashada soo socota ee madaxtooyada maadaama oo diiwaangelinta ururradu ka soo horreyso.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS