|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Shir guddoonka Golaha Wakiillada Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
August 22, 2021 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay shirguddoonka golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha wakiilladu, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed. Kulankan oo ah kii u horreeyey ee ay rasmi u yeeshaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirguddoonka cusub ee golaha wakiilladu ayaa lagu lafo-guray hannaanka wada shaqayneed ee ka dhexeeya golaha sharci dejinta iyo xukuumadda. Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi. Dhinaca shirguddoonkana waxa gudoomiyaha ku wehelinaayey gudoomiye ku xigeenka koowaad, Mudane Siciid Mire Faarax iyo guddoomiye ku xigeenka labaad mudane Cali Xaamud Jibriil. Related posts:Abwaankii 4aad Oo Kagaga Soo Jawaabay Maanso La Magac Baxday "Maxkamadda" Silsiladii Uu Furay Abwaan... Xukuumadda Somaliland oo Saldhiga Dhexe ee Burco u taxaabtay koox guranaysay Macdanta Gobolka Saaxil... DAAWO; Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga kulmiye Oo Mudo 24saac Gudahooda Markii Labaad Weerar Afka Ku Qa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|