|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Mudeeyay Maalinta Ay Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Yeelanayaa Fadhigooda!
August 1, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 ku Mudeeyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub Xeer Madaxweyne: 01/08/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 uu maanta ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub. Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021 Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhayo Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub; Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Waxaan Go’aamiyey; In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. HALKAN KA AKHRI WAREEGTADA MUDAYNTA FADHIGA EE MADAXWAYNE BIIXI;
ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|