|
|||||
WAJAALE NEWS
Maamulka Somaliya Oo Joojisay Duulimaadyadii Ay Fly Dubai Iyo Air Arabiya Ku Iman Lahaayeen Hargaysa Iyo Xogaha Laga Helayo!
August 20, 2021 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Diyaaradaha Flydubia iyo Air-arabia aanay duulimaadyo ka bilaabi karin garoonka diyaaradaha ee Caasimada Hargeysa ilaa inta ay ogolaansho rasmi ah ka helayaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya. Sida ay muujinayso warqad uu soo saarey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya Axmed Macallin Xasan, labadan diyaaraddood ayaan loo ogoleyn in duulimaadkooda bilaabaan illaa ay helaan ogolaanshaha hay’adda, Taasi oo ku taariikhaysnayd July 31, 2021. Dhawaan ayay ahayd markii Xukuumadda Somaliland sheegtay in shirkadaha Fly dubia iyo Air-arabia ay dib u bilaabi doonaan duulimaadyadoodii Garoonka Hargeysa, kadib markii xukuumada Somaliland hore uga joojisay markii ay uhogaansami waayeen awaamiirtii xukuumada iyagoo fulinaya go,aan kazoo baxay maamulka muqdisho. Labada diyaradood oo ay leeyihiin wadamada emaraadku ayaa Tan iyo intii ay Somaliland ka bilowday safarada ay ku imanayso waxaa marwalba Kasoo baxa warar shaki galinaya doorka dawladihii lahaa iyadoo wakhtigii Somaliland ka joojisay in ay dalka safar ku timaado uu maamulkeeda hargaysina bilaabay odayaal iyo siyaasin qaab qabiil ku difaacaya kagana hadla xanibaada shirkadahani la saaray iyagoo eedaynaya xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne biixi. Wakhti xaadirkan maamulka hargaysa ee shirkada fly dubai ayaa amarkii ay somaliya kaga joojisay in ay iman karaan Somaliland udhigaya in looga hadlo qaab shacabka loogu dhigayo in Somaliya cadow ku tahay Somaliland isamarkaana duulimaadyadii ay shirkadaha ka bilaabi lahaayeen hargaysa sidaasi looga joojiyay balse ay xaqiiqadu Taasi ka fog tahay islamarkaana ay muuuqato qorshe shaadh kale loogu talayo xaqiiqada inagoo og in hawada ay hada maamusho somaliya ismarkaana ay iska cadahay waxa udhexeeya somaliya iyo Somaliland balse arinta shirkadahani ay ka duwan tahay sidaasi maadama ay labadan shirkadood leeyihiin wadanka Eamaaraadku Somaliland ay uyimaadaan arimo ganacsi uun, cidii somaliya ama Somaliland kala hadli lahayad ay tahay dalkooda, taasi oo at fahansan yihiin shacabka reer Somaliland Hadaba Maxaa keenay in dawladaha shirkadaha fly dubai iyo Air arabiya uga hadli waayeen caqabadaha ka hortaagan imaatinka Somaliland?maxaase keenay in maamulka shiradaha ee hargaysa uu qaab kale oo xaqiiqada ka fog!. Mareeyaha haayada duulista iyo madaarada Somaliland oo golaha guurtida uwaramayay ayaa sheegay in aanay somaliya joojin Karin diyaaradaha imanaya Somaliland halka uu xusay in ay cadow inagu tahay,wallow aanu maanta bilow ahayn balse hadal maareeye cumar sayid ayaa umuuqda mid xidhiidh la leh qorshaha ay maamulka hargaysa ee shirkadaha fly Dubai Iyo Air Arabiya wadaan kaasi oo lagu majaro habaabinayo waxa ka hortaagan imaatinkeeda hargaysa oo somaliya joojisay hada iyadoo ku sobobaysay in ay waxka badal ku samaynayso xeerarka duulimaadyada ee somaliya sidaana ay ujoojisay ogolaanshihii ay ka dalbadeen shirkadaha fly Dubai iyo Air arabiya halka ay maareeye cumar sayidna uu shacabka la soo hor istaagay war xaqiiqada ka fog oo uu foodsaare uga dhigayo doonista maamulka shirkadaha ee hargaysa. Sikastaba ha ahaatee shacabka Somaliland waxay isha ku hayaan sidhowna ula socdaan qaabka labadan shirkadood ku doonaya in ay Somaliland kaga bilaabaan duulimaadyo iyo awooda ay xiligan somaliya ku joojisay iyo aamusnaanta dawladaha leh labada shirkadood oo aan marna ka hadal arimahooga .
Related posts:DAAWO;-Maxaa Kala Qabsaday Mulkiilaha Dahabshiil Group Iyo Masuuliyiin Xukuumada Katirsan+ Ajaanib U... DAAWO; Waraysi Gaara; Safiirka Ingiriiska u Fadhiya Somaliya Oo ka Hadashay Xaalada Siyaasad... DAAWO; Maayarka Magaalada Gabiley Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kormeer Ku Tegay Kalabaydh Hal Gaadhi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|