Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Dugsi Waxbarasho Ka Dhagax Dhigay Deegaanka Kidiga Ee Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Dugsi Waxbarasho Ka Dhagax Dhigay Deegaanka Kidiga Ee Gobolka Gabiley.
August 1, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Badhasaabka gobolka oo ay weheliyaan Maayarka Dawlada Hoose ee gabiley iyo xildhibaano katirsan golaha deegaanka ayaa dugsi waxbarasho ka dhagax dhigay deegaanka lafta tiinka ee gobolka gabiley kaasi oo ay hirgalinayso dawlada hoose.

Munaasibada lagu dhagax dhigayay dugsigan waxbarasho ayaa waxaa dawlada hoose oo uu horkacayo maayar Maxamed Amiin cumar ayaa waxaa uga mahad celiyay dadka ku dhaqan deegaanka Oo baahi wayn uqabay goob waxbarasho.

Waxaana munaasibada dhagax dhiga dugsiga waxbarasho kahadlay maamulka wasaarada waxbarashada ee gobolka gabiley qaarkamid xildhibaanada golaha deegaanka, maayarka magaalada gabiley iyo badhasaabka gobolka gabiley kuwaasi oo bulshada deegaanka kula dardaarmay in ay ilaashadaan dugsiga loo dhisayo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS