“Kuwa Shaqada Ka Dhigtay Xarunta Dhaqanka Waxan Umalaynayaa In Ay Yihiin, Kuwo Shaqo Kale Waayay”Siyaasi Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Kuwa Shaqada Ka Dhigtay Xarunta Dhaqanka Waxan Umalaynayaa In Ay Yihiin, Kuwo Shaqo Kale Waayay”Siyaasi Cali Guray
August 14, 2021 - Written by Editor:

Kuwa shaqada ka dhigtay Xarunta Dhaqanka waxan u malaynayaa in ay yihiin kuwo shaqo kale waayay. Waayo marka hore Xarunta Dhaqanku waa haya’d waddani ah (National Agency) ee maaha haya’d shisheeye yaanay ahaanin dawliba hadii ay doonto eh. Waxa dabar u ah qaynuunka Somaliland (Somaliland Law) oo ay ku shaqayso tan iyo markii si rasmi ah oo waafaqsan sharciga looga diiwaangeliyay Somaliland. Hadii uu jiro xeerarka khuseeya qodob ka mid ah in ay ku xadgudubtay waa hawl u taal haya’daha sharci fulinta oo ilaa hadda aan iyagu waxba ka odhan balse dadka haystaa waa shakhsiyaad laga yaabo in iyagu ay dano gaar ah ka keeyihiin iyagoo oo warbaahinta qaar adeegsanaya. Anigu maan garanin mana ogi wax xadgudubiyo ah oo ay ku kacday,

kuwan intaa waarbaahinta la taagan eedaynta haya’ddani hadii ay run sheegayaan oo ay cadaymo u hayaan hayadaha ku shaqada leh ha kala xidhiidhaan iyagana ha u daayaan. Hadii iyagu ay sharciga gacantooda ku qaadan karaan oo gar iyo gardarroba ay albaabada u xidhi karaanna waxan leeyahay afar kub oo laba xaad leedahay yaan la idinka waayin.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “cali guray”

COMMENTS
LINKS