|
|||||
WAJAALE NEWS
Jaamacadda ALPHA Oo Tababar U Qabatay Ardayda Wax Ka Barta Kuliyadaha Kala Duwan Ee Jaamacadaasi!
August 31, 2021 - Written by Editor:Hargaysa(W,N)-Jaamacadda ALPHA qaybteedda magaaladda Hargaysa ayaa tababar u qabatay ardayda wax ka barata kuliyadaha kala duwan ee jaamacadaasi. Tababarkan oo jaamacadda Alpha ay ugu talo gashay sidii ay ardaydu uga gudbi lahaayeen wacyiga goobaha waxbarasho oo keliya inay ku koob-naadaan.
Balse inay helaan goobaha cilmiga ay baranayaan ee ay shaqadoodu ka socoto inay fursad ka helaan, iyadoo tababarkaasi lagu qabtay magaaladda Hargaysa. Gudoomiyaha Shirkadda ILSG Maxamed Soofe, oo isagu hawshan suurta geliyay ayaa ku dheeraaday faa’iidada in dalkaaga iyo dadkiisaba aad wax ku celisaa ay leedahay. Waxaanu si weyn ugu dhiiri geliyay ardaydii tababarkaas la siinayay inay noqdaan kuwii hamigooda ka dhabayn lahaa.
Hormoodka kuliyadda maamulka iyo maaraynta ganacsiga ee Jaamacadda Alpha Ismaaciil Ibraahim Ducaale, ayaa mahad naq ujeediyay shirkadda ILSG sida wanaagsan u soo dhawaysay ee fursaddan carbinta shaqo siisay arday jaamacada ALPHA University. Waxaanu ardaydii halkaa tababarka ku qaadanaysay ku dhiiri geliyay inay ka faa’iidaystaan tababarkaasi. Macalinka bixiyay kooraska maamulka qalabka soona qaban qaabiyay tababarkan Axmed-yaasin Sheekh Cumar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay shirkadda Integrated Logistics solutions group wakhtiga iyo fursadda ay siiyeen in shaqo carbin la siiyo arday ku jirta weli heerkii waxbarasho oo isla helaan theory with practical. Waxaanu macalinku ku dheeraaday in ardaydu ka faa’iidaystaan tababarkaasi, maadaama oo qaab theory ah ay ku soo arkaan practical-kana wax ku bartaan si ay nafahooda iyo midka dhaqaale ee dalkaba wax uga bedelaan. “Waxaan doonaynaa in ardayda wax ka barata jaamacadda ALPHA in marka ay waxbarashadoodda dhamaystaan ay noqdaan kuwo fahamsan qaybaha kala duwan ee qalabka, lana jaan-qaadda dunidda inteedda kale.
Waana hadafkeenna in marka ay ardaydu ka qalin jebiyaan jaamacadan ALPHA in ay noqdaan kuwo si buuxda u leh kalsooni ay ku waajahaan dunidda” ayuu yidhi Axmed-yaasin Sheekh Cumar.
Dhinaca kale guddoomiyaha ardayda jaamacadda ALPHA Suhayb Naasir Yuusuf, ayaa isna u mahad naqay Shirkadda ILSG iyo jaamacadda ALPHA University maamulkeeda iyo macalimiinteedaba dedaalka ay la garab joogaan. Waxaanay balan qaadeen in ay ka midho dhalin doonaan hankooda sidii ay dalka iyo dadkaba ugaga faa’iidayn lahaayeen haddii ALLE SWT idmo.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|